Wararka ay heleyso warbaahinta ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Gurigiiisa oo ku yaalla deegaanka ceelasha Biyaha ay kala baxeen Nabadoon Cabdullaahi Abuukar oo mar soo noqdeay Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.
Qof ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in xalay Saqdii Dhexe ay Hoyga Nabadoonka oo ku yaalla agagaarka Xaafada Shareeco  ee deegaanka Ceelasha Biyaha ay tageen ciidamo wata Gaadiidka dagaalka ay Nabadoonka soo wateen.
Waxaa kaloo uu sheegay in gurigiisa iyo Guryaha kale ee ku dhow dhow ay ciidamada baaritaano ku sameeyeen, hayeeshee weli aan la ogeyn sababta ay ciidamada Nabadoonka u wateen iyo halka ay la’aadeen.
Nabadoon Cabdullaahi Abuukar oo mar soo noqday Ahayeenka Odayaasha Dhaqanka muqdisho ayaa hadda ka hor waxaa xiray isaga iyo Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Diiriye Ciidamada Itoobiya ee markaasi joogay Soomaaliya wallow markii dambe ay soo daayeen.
Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalka Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay xalay Hoygiisa kala soo baxeen Nabadoon Cabdullaahi Abuukar oo loo yaqaano Cabdullaahi Dheere.