Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagaga hadlay Xaaladaha ammaanka dib u habaynta howlgalada iyo sugida Nabadgalyada Magaalooyinka xorta ah.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa golaha uga warbixiyay shirarkii uu kaga qaybgalay Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagaga hadlayay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka mudada u dhexeeyay Jubbaland iyo DFS.
Waxaa kale oo kulanka lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa kaalmada la gaarsiinayo dadka ay abaarahu sameeyeen iyadoo ilaa hada gurmad noocyo kala duwan leh la gaarsiiyay meelaha ay xaaladaha adag ka jiraan.