Qaar Kamid ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saaka Xiran

Maanta oo taariikhdu tahay 11/4/2019 waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho,waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo taagaan dhaaman jidadkaas iyaga oo diidaya in la isticmaalo.

Wadsooyinka muhiinka ee xiran waxaa ka mid ah Isgoyska EX: Koontorool Afgooye,TarabuunkaTarabuunka,Banaadir Soobe,KM4 iyo meelo kale waxaana la diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha ee PL-ka iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahayleeyahay,iyada oo boqolaal shacab ah ay lugaynayaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga ayaa la soo dhoobay Isgooysyada Caasimadda,waxaana maanta la xusayaa 12-ka Abriil oo ah markii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyada oo ay ka qeybgelayaan madaxda ugu saraysa dalka.