Hal ruux ayaa geeritooday mid kalena waa uu dhaawacmay kadib markii Maanta uu kusoo dumay derbiga qeyb ka mid ah Garoonka Kubadda Cagta Jaamacadaha ee magalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qeybta VIP-da ee madaxda fariisato ee Garoonka ay soo duntay,isla markaana burburka derbiga laga soo saaray qof meyd ah iyo qof dhaawac ah.
Garoonka kubadda Cagta Jaamcadaha oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir ayaa dib u dhis lagu sameeyey,waxaana uu qeyb ka ahaa mashaariic ay FIFA ka fulisay gudaha Soomaaliya,iyaga oo kaashanaya xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Waa markii labaad uu soo dumo qeyb ka mid ah Garoonka Kubadda Cagta Jaamacadaha e Magalada Muqdisho,waxaana dhacdadii hore aysan dad wax ku noqon,balse markaan ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.