Xarunta Golaha Shacabka waxaa Goordhow ka furmay kulanka xildhibaananda Baarlamaanka,iyada oo Maanta su’aalo kulanka lagu weeydiinayo Taliyeyaasha Ciidamada iyo Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga oo kulanka goobjoog ka ah.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa inta badan soo xaadiray kulanka Golaha Shacabka,waxaana Saxafadda ay ka tahay dibad-joog,iyada oo haatan ay socoto su’aalo weeydiinta Ma’uuliyiinta Hay’adaha Amniga,waxaana markii ugu horeysay goobjoog ka ah kusimaah Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Kulanka ayaa waxaa uu ku furmay 150 Xildhibaan,waxaana guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaanada u sheegay in Su’aalo weeydiinta ay ku egtahay mudo Hal daqiiqo ah halka jawaabaha mas’uuliyiinta ay heystaan Saddex Daqiiqo.
Xildhibaanada ayaa Mas’uuliyiinta Hay’daha Amniga waxa ay weeydiinayaan su’aalo adag oo ku saabsan dayaca amni ee ka jira Magalada Muqdisho,hayeeshee kulankaan uusan aheyn mid xiiso badan maadaama Saxaafadda banaanka ay ka joogto,isla markaana aan sirasmi ah oo loo ogeyn jawaabaha ay bixiyaan Mas’uuliyiinta Amniga.