Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Saqdii dhexe waxaa Gudaha dalkaasi ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u taga dalkaasi koonfur Afrika, iyaga oo sidoo kale dhaawacay mid kale.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Muqtaar Cumar,waxaana lagu dilay Magalada King Willaims town oo hoostagta Eastern Cape Ee dalkaasi Koonfur Afrika,waxaana xilliga la dilayey uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi.
Kooxdii Burcada Koonfur afrikanka aheyd ee dilka u geysatay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.
Dhinaca kale Burcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo Ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla Xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg,waxaana ay dhaawaceen Muwaadin soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay Goobhtiisa Ganacsi.
Dalka Koonfur afrika ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo wajahay soomaalida,isla markaana dukaanadooda la boobayey,waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nuur Dheere.