Golaha Wasiiradda Puntland Oo Kulan yeeshay

Golaha Wasiiradda maamulka Puntland ayaa u digay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in dowladda dhexe ay faragalin ku heyso Waxbarashadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash ayaa shir guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda waxaa looga hadlay amniga dalka, Aragtida Dowladda Puntland ee arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixino kale.

Wasiir dowladdaha Madaxtooyadda Puntland oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya in uu waddo dadaallo la iska horkeenaayo dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in dastuurka Puntland kan Faderaaka intaba ay qeexayaan in dowlad goboleedyadda ay u madaxbanaan yihiin hanaanka waxbarashadda degaanadooda.