Militariga Suudaan ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo qof oo la dhashay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Cumar Al Bashiir.
Afhayeen u hadlay militariga Suudaan ayaa sheegay in xiridda walaalaha Al Bashiir ay ka qeyb tahay ololaha looga soo horjeedo maamulkii hore.
Waxaa uu sheegay in la xir xirayo maleeshiyaadkii taabacsanaa maamulkii hore.
Cumar Al Bashiir ayaa shalay lagu xiray xabsiga Kobar oo horraan inta badan lagu xiri jiray siyaasyiinta mucaaradka ah.
Dibadbaxyaasha reer Suudaan waxay codsanayaan in la helo dowlad rayid ah.