Waxaa Maanta Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee ku taalla Magaalada Hargeysa la soo taagay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon,kaasi oo Ciidanka Booliska Somaliland ay ka soo xireen Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Ciidamadii soo qabta Waiye Cabdi Maalik ayaa waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex u sheegay inay dib ugu celiyaan Gobolka Togdheer,halkaasi oo markii hore laga soo qabtay.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa Ciidanka Booliska Somaliland weydiiyay inay heystaan in kale warqadii ay kusoo qabteen,isla markaana iyagoo ugu Jawaabay in aysan heysan wax warqad ah,iyagoo u sheegay inay soo qabteen oo kaliya.
Laba habeen kahor ayaa waxaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Ciidamada Booliska Soomaaliland ka soo xireen Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,kaasi oo ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan Soomaalida.