Madaxda Dowlad Goboleedyada & Wakiilada Beesha Caalamka oo Nairobi ku shiray

Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya waxaa shir guud iyo mid gaar gaar ahba ku yeeshay Madaxda Dowlad goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland iyo sidoo kale Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Kulamada ayaa xogaha la helayo waxa ay sheegayaan in Madaxda Saddexda Dowlad goboleed ay Beesha Caalamka u gudbiyeen in ay ka dalbanayaan in taageerada ay sigaar ah u soo marsiiyaan halka ay markii hore u soo marsiin jireen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxda Maamul goboleedyada ayaa Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya, iyaga iyo dowladda Federaalka oo aan xilligaan wadashaqeyn ka dhaxeyn.

Ila-wareedyo ku sugan Kenya ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ay dalbadeen in la sameeyo Road Map doorasho, iyaga oo Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyey inaysan diyaarin nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaanana weli wax jawaab ah aan ka bixin ama aan ka hadlin kulamada Magalada Nairobi uga socda Madaxda Saddex Maamul goboleed iyo Wakiilada beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya