DFS Oo Gaadiid ku wareejisay Qaar kamid ah Maamul goboleedyada & Gobolka Banaadir

Munaasabad lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ay gaadiid dhowr ah ku wareejisay laba ka mid ah Maamul Goboleedyada iyo Gobolkan Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beelle iyo Guddoomiyaha G/Banaadir,waxana mid 2 Gaadiid ah lagu wareejiyey Maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir halka 3 Gaadiid ah lagu wareejiyey Maamulka Hir-Shabeelle.

“Maanta waxaan Wareejinay Todobo Gaadiid ah oo loogu talagalay Dowlad-Goboleedyada in ay ku hormariyaan Canshuuraha Dalka, Iyadoo waafaqsan codsigoodii hore ayaa loogu qeybiyay sidaan, Gobolka Banadir (2), Maamulka Hishebelle (3) Maamulka K.Galbeed (2) ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Maalmaha soo socda ayaa la qorsheynayaa in maamulada kale ee dalka loo qeybiyo gaadiid kale,iyaga oo loo kala siin doono Jubbaland 3 Gari halka Puntland iyo Galmudug la siin doono min 2 Gari.