Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulmaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamadooda waxaa ka muuqatay dib u dhacyo farabadan, waxaana lagu waddaa in ay dardargaliyeen shaqooyinka horyaalla.