Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa shi wadatasho ah wax auu isugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada shirkaas oo ka dhici doona Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayaa sheegay in shirkaas uu dhici doono 2-da bisha May,isla markaan aay isugu imaan doonaan Madaxda ugu sareysa dalka,sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Maamul goboleedyada.
Shirkaas ayuu sheegay in looga hadli doono xaalada dalka iyo sidoo kale qodobo ay ka mid yihiin ,qaabka ay u wadashaqeyn doonaan Madaxda Dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedyada Magac guudna ay wada qaataan,isla markaana shir kaas uu noqon mid lagu gorfeeyo dib u eegista dastuurka iyo mudada uu dalka gaarayo doorasho qof iyo cod ah iyo qeybisa Kheyraadka dalka iyo nidaamka garsoor.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad goboleedyada, hayeeshee ay ka biyo diideen,waxaana weli la ogeyn in uu qabsoomi doono shirkaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland.