Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu Madaxtooyada Soomaaliya uga socda Madaxweyne Maxamed Cabdullaali Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulankaan ayaa ah mid looga hadlayo xaaladda dalka, waxaana warar hoose oo aanu helayno ay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif in la yareeyo dhaliilaha uu u jeedinayo dowladda, isla markaa khudbadihiisa uu ku garab istaago dowladnimada.