Weerar lagu qaaday saldhig Ciidamada Jubbaland Ay ku lahaayeen degmada dhoobleey Ee Gobolka Jubbada Hoose

Wararka laga helayo degmada dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay rag hubeysan ay weerar bambaano ku qaadeen Guri uu Magaaladaas ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Weerarkaas ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay hal askari halka ay ku dhaawacmeen 7 Ruux oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen Illo xog-ogaal ah oo ku sugan degmada Dhoobleey.

Raggii weerarka bambaano ka dambeeyey ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen,waxaana dad ku sugan degmada Dhoobleey ay sheegeen in weerarka bambaano kadib ay maqleen rasaas ay fureen Ciidamada Jubbaland ee la weerarey.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi bambaano, hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dadka taageera.

Maamulka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas,balse Wararka saakey laga helayo degmadaasi Dhoobley ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii kad ambeeyey weerarka bambaano.