Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliland oo dil iyo dhaawac loo gu geystay deegaano katirsan G\Sool

Rag hubbeysan oo la sheegay inay ahaayeen Maleesho Beeleed ayaa waxaa tuulada Gobab-maxan oo hoostimaada degmada Yagoori ee gobolka Sool ku dilay taliyaal ka tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta ee Somaliland.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa loogu tacsiyadeeyey dilka saraakiishaas oo kala ahaa taliyihii xabsiga degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag Gaashaanle Cabdullaahi Axmed Tallan iyo taliye xigeenkii saldhiga Booliiska degmada gar-adag 2 Xiddigle Nuur Aw Cali Nuux.

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, Xukuumadda  iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-

  1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.
  2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay dabley hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Deegaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yagoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amray inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.