Qaar Kamid Madaxda Maamul goboleedyada Oo Ku Wajahan Garowe

 

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay gaaraan qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda, halkaasi oo uu ka furmi doono Shirweyne looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.

Madaxda  Galmudug, Jubbaland ayaa la xaqiijiyay in ay maanta tagayaan Magaalada Garowe, waxaana Garowe ka socota soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda iyo sidoo kale haddii ay taggaan xubno ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama lagu casuumay.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa shirkaan ku casuumay Madaxda dowladda Federaalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ah in ay ka qeyb galayaan Shirka berri ka furmaya Magaalada Garowe.

Shirka Berri ka furmaya Magaalada Garowe ayaa ku soo aadaya, xilli uu dib u dhacay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Apriil ka dhici lahaa Muqdisho, sidoo kale waxaa baaqday shirkii horay loogu balamay inuu ka dhaco Garowe bisha Maarso, kaasoo lagu dhawaaqay xilligii caleema saarka Madaxweynaha Puntland.