Saraakisha ciidmaad dowoalada oo sheegay in rag katirsan Alshaab ay isku soo dhiibeen

Ciidanka maamulka ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in ay isku soo dhiibeen labo xubnood oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Nabadsuggida Qeybta Jubbaland ayaa sheegay in raggaan oo ka mid ah qeybta dagaalka qaadda iyo hubkii ay wateen hadda gacanta lagu haayo, islamarkaana Ciidanka ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen.

“Degmada Doolow ee Gobolla Gedo waxaa iska soo dhiibay labadan nin oo kamid ahaa kooxda argagixisadda Al-Shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan, ragaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen ayeey oo ay la soo goosteen waxaa gacanta ku haya ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmadda Doolow ragan waxaa lagu sameyn doona dhaqan cellin” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska NISA ee Jubbaland.