Somaliland Oo Xabsiga dhigtay Masuul Xil ka Soo qabtay Puntland

Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku xiray Mas’uul horay uga tirsanaa maamulka Puntland, islamarkaana soo noqday Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland.

Abukar Cabdi Geelle ayaa xilligii Madaxweyne Cabdiwali Gaas soo noqday Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, waxaana hadda uu ka mid ahaa Mas’uuliyiinta la shaqeysa maamulka Puntland.

Mas’uuliyiinta gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku eedeeyay Abukar  in uu magaalada Laascaanood ka waday ol’ole ka dhan ah Somaliland oo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka gobolka Sool ee Somaliland waxa ay sheegeen in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Abuukar, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan Cadaymo ay ku hayaan oo ku aadan qalqalgalinta Amniga Magaalada.

Abukar ayaa xilka guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland iska casilay bishii October ee 2018 isagoo markii dambe dib ugu laabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.