Golaha Wasiirada Urdun Oo Laga Codsaday Inay Is-Wada Casilaan

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Cumar Rasaas waxa uu maanta ka codsaday dhamaan Golihiisa Wasiiradda inay is-casilaan, iyadoo isku-shaandheyn lagu samayn doono Xukuumadda dalkaasi.

Wakaalladda Wararka dalkaasi ee Patra News Agency, waxay sheegtay inuu Ra’isul-wasaaruhu doonayo inuu maalmaha soo socdo isku-shaandheyn ku soo sameeyo Xukuumadda dalkaasi.

Waa isku-shandheyntii 2-aad ee  Xukuumadda Ra’isul-wasaaraha, oo isaga bishii October ee sannadkii hore lagu magacaabo Dikireeto uu soo saaray Boqorka dalkaasi.

Bishii Janaayo, Bisha Janaayo, Boqorka dalkaasi, Cabdalla Bin Xuseen waxa uu ansixiyey isku-shaandheynta Xukuumad kooban oo uu Ra’iusl-wasaare ka noqday Ra’isul-wasaaraha haatan, Cumar Rasas.