Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ka hor Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay qabteen Shaqsi la sheegay in gaariga uu qaraxa ku dhejinayay,isla markaana la geeyey mid ka mid ah xarumaha Baarista ee Ciidamada.
Qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo mudo hakad geliyey isku-socodka dadka iyo Gaadiidka,wallow markii dambe ay dib u fureen.