Kadib markii xalay degmada Waajid ee Gobolka Bakool uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas war kasoo saaray Ururka Al-Shabaab.
Qoraal ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegen in ay la wareegeen Saldhiga Koonfureed ee Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Waajid,sidoo kalena ay Ciidamada ka qabsadeen hub farabadan.
Sidoo kale waxaa Al-Shabaab ay sheegteen inay weerarkaasi ku dileen  5 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,hayeeshee majiraan Warar Madax banaan oo xaqiijinaya Sheegashada Al-Shabaab.