Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xanuunka Ebola oo la sheegay in uu ka dilaacay dalka Uganda oo Soomaaliya ay ka jooggaan Ciidamo farabadan.
Wasiirka Wasaaradaas Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay Wasaaraddu ay heegan buuxa galisay kooxo loogu tala galay ka hortagga xanuunka sida Ebola oo kale.
Dr Fowsiyo waxa ay xustay in la tashiyo badan ay sameeyeen, sidoo kala ay la kaashanayaan hay’addaha ay quseyso arrintan ee dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka.