Maamulka G/banaadir Oo Soo Saray buug Caafi mad Oo logu talagalay dadka u dhoofaya dalka Dibadiisa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Markii ugu horeysay tan iyo burburkii kadib sameyey Buugga Caafiimadka kaas oo ay qadan doonaan Muwaadininta ka dhoofaya Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Mogadisho ee aadaya dalka dibadiisa.

Kulanka xalay  ka dhacay magaalada Caasimada ee Mogadisho ayaa waxaa loogu hadlay arrinta Buugga Caafimaadka iyo faaidiyoonka uu u leyahay muwaadinin ta soomaliyeed in ay qaataan,waxana Buugaasi hirgeliyay Waaxda caafimaadak dowladda Hoose ee Maamulka Gobolkan Banaadir.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolkan Banaadir Ibraahim Cumar (Mahad-Alle) ayaa sheegay in Buugasi marka hore lagu bilaabayo dadka Sanadkaan aadaya Xajka,isla markaana qof walba oo Soomaali ah una dhoofaya dalka dibadiisa laga doonayo in uu qaato.

Sidoo kale guddoomiye kuxigeenka waxaa uu sheegay in buugaasi laga qaadan karo goobkasta oo tikid ka laga jaro,isla markaana qiimihiisu uu yahay $10 Dollar,waxaana uu sheegay in Buugaas loo sameeyay codsi ka yimid Shacabka Gobolkan Banaadir.