Axmad Madoobe iyo Xildhibaano ku kulmay Goobweyn

Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Jimco ah Masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan wakhti kula qaatay Deegaan dalxiiseedka Goobweyn e duleedka Magalada Kismaayo.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Xildhibaano Federaal ah Odayaal dhaqan iyo dadweyne kale ayuu Madaxweynahu halkaas kula qadeeyay.

Madaxweynaha ayaa dadka uu halkaas kula kulmay ka dhagaystay aragtiyadooda iyo afkaaraha ay ku biirinayaan geedi socodka Jubbaland,xilli ay soo dhawdahay doorashada Maamulkaas.