Guddiga doorashada oo lakulmay Qaar Kamid ah Musharixiinta Jubbland

Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ay  kulan la qaateen qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada  xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulankan ayaa daba socda, kadib markii Maalin ka hor Guddiga doorashada ay u yeereen Xubnaha musharixinta,waxaana kulanka ay uga wada hadleen habraaca doorashooyinka Jubbaland.

Dhinaca kale waxaa Maanta dib u bilaawday is diiwaagelinta musharixiinta Madaxweynaah,waxaana Maanta oo Talaado ah is diiwaangeliyay laba ka mid ah Musharixiinta u taagan taagan qabashada  xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubno ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland oo la magac baxay isbeddel-doonka ay kasoo horjedaan habka uu wax u wado guddiga doorashada, iyaga oo sheegay inay kalsoonidii kala laabteen.