Taliyaha Guud Ee Ciidanka AMISOM Oo Gaaray Kismaanyo

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Ticabu Yilma ee u dhashay dalka Itoobiya iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan,isagoona salaan sharaf ka qaatay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Magaalada Kismaayo,iyagoona ka wada hadlaya arrimo kala duwa oo ay qeyb ka yihiin arrimaha amniga Doorashooyinka ka dhici doona halkaas.

Sidoo kale inta ku sugan yahay Kismaayo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma  ayaa waxaa kulamo la qaadan doonaa Guddiga Doorashooyinka dowlad Jubbaland iyo Waxgaradka.

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana waxaa iska kaashanaya sugida amniga Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Jubbaland.