Gudoonka golaha Shacabka Oo soo xiray Kalfadhiga 5 aad Ee golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku shaaciyay Xeritaanka kal-fadhiga 5aad ee golaha kaas oo uu Madaxweyne Farmaajo sirasmi ah  u furay 29 Bishii Maarso ee Sanadkamn 2019.

Qoraalka guddoomiyaha oo ku taariikheysnaa 4-ta bisha Agoosto ayaa sidoo kale lagu sheegay in kal-dhiga 5aad uu xirmay 27kii Bishii Luulyo eesanadkaan, sidoo kale Kal-fadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu fumo doono 27 bisha September ee sanadkaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan yeelan wax kulamo ah,waxaana tan iyo markii uu furmay Kal-fadhiga 5aad ay ansixiyeen Sharciyo dhowr ah kuwo kalena ay u harsan yihiin.