Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa Maanta waxaa uu wadahadallo miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood,waxaana ay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi.
Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka taageera Soomaaliya,waxaana gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaas oo la Magac baxay Hiil Walaal,isla markaana ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab.