AlShabaab Oo Weerar Ku qaaday Saldhig Ay Ciidamada Dowladu kulahayeen Shabeellaha Hoose

Faah faahino  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Taliyaha Amniga degmad Qoryooleey Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab ay xogtiisa heleen kana feejignaayeen,isla markaana ay iska difaaceen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday degmada Qoryooleey ay ka dileen 4 xubnood halka dhinacooda hal askari uu kaga dhaawacmay wallow aysan jirin cid madax bannaan oo xajiijisay sheegashadaas.

Al-Shabaab dhankooda weli kama jadlin dagaalka xalay fiidkii ay Ciidamada Dowladda kula galeen duleedka degmada Qoryooleey,waxaana Wararka saakay aan ka heleyno degmadaasi ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ka dhacay xalay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.