Sargaal Katirsanaa Ciidanka Somaliland iyo Ciidamo uu hugaaminayo Oo ku biiray Puntland

Maamulka Puntland ayaa Jimcaha Maanta ah waxaa ay ku dhawaaqeen in Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Aaga degmada Badhan ee Gobolka Sanaag & Ciidamo uu wato ay kaSoo goosteen Soomaaliland kuna biireen Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyda Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in G/sare Guray Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Puntland,isla markaana dadaalkaas ay bixisay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

“Xukuumadda Madaxweyne Deni waxaa ay  ku Guulaystay in Cutubyadii Ciidan ee ku sugnaa Gobolka Sanaag ee ka amar qaadan jiray Somaliland lawada wareegto,waxaa ciidamadaas horkacaya Taliyihii Cidiamada Soomaaliland ee aaga degmada Badhan,waxana dadaal ku bixinay wareegidda taliyaha iyo ciidankiiisa ayuu yiri Jaamac Dabaraani”

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland waxaa uu sheegay in tallaabadaan ay qaaday Puntland ay kaalin weyn ka geysteen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen, xildhibaano ka tirsan  Baarlamaanka iyo Guurti Cabdullaahi Cabdi Ibraahim ayna uga mahad celinayaan.

Si kasbata Warkan kasoo yeeray Madaxtooyada Puntland eek u aadan inay soo goosteen Ciidamo ka tirsan Soomalailand oo uu hoggaaminayay taliyaha Aaga Magaalada Badhan weli Soomaaliland dhankooda wax war ah kama soo saarin.