Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkan Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay la wareegay xilkaas ayaa balanq aaday in Maamulkiisa uu ka Shaqeyn doono,isla markaana diirada uu saari doono adkeynta Amniga Magalada Muqdisho.
Waxa uu tilmaamay in jidadka xiran la furi doono, si isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimaddu u sahlanaato, isla markaana inta uu xilka hayo aan muwaadin Soomaaliyeed xaqiisa la duudsiin doonin.
“Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”.
Mudane Cumar Filish ayaa xusay in dhaqaaluhu uu kamid yahay wax yaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo bii’ad soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, Korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka.