Xaflad Sagootin ah Oo Loo Sameeyey Masuuliyiintii Ka qeyb galay Caleema Saarka Axmed Madoobe

Maadxtooyada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xalay Magaalada Kismaayo waxaa ay xaflad sagootin ah ugu sameysay Madaxdii iyo Siyaasiyiintii ka qeyb-galay Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Munaasabada sagootinta waxaaa goobjoog ka ahaa dhamaan mas’uuliyiintii caleema saarka ka qeyb-gashay iyo madaxda Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Kismaayo iyo madaxda Xisbiyada mucaaradka ee dalka.

Dhamaan dadkii ka hadlay munaasabada sagootinta ayaa waxaa ay ka hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo in loo baahan yahay inay isbedel la yimaadaana Madaxda sare ee dowlad Federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeediyey Xaflada ayaa sheegay in xilligaan dalka aysan ka jirin cid isku heysata qabiil qabiil,isla markaana waa hore laga soo gudbey.

Waxaa uu sheegay in dalkaan meesha uu joogo ay dad madax ah soo gaarsiiyeen,hayeeshee aan loo baahneyn in dib loo celiyo,waxaana uu baaq u direy Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta ka qeyb-gashay Xaflada Caleema saarkla Axmed Madoobe ayaa la filayaa in Maanta ay dib ugu laabtaan qof walba halkii uu markii hore ka tegay,hayeeshee ay meesha ka baxday wararka sheegayay inay isbaheysi cusub ku dhawaaqayaan oo horay qaar kamid ah siyaasiyiinta.