Dhalin yaro careysan Oo Maalintii labaad Banaanbax Ka Wada Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalintii labaad ka socda Banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah Darawalada gaadiidleyda BL-ka ee howlgasha Waddooyinka ku yaalla Muqdisho.

Banaanbaxa ay dhigayaan gaadiileyda ayaa sigaar ah uga socda Isgoyska KM-4, Isgoyska 14-Octoober iyo Wadooyin kale oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyagoona wadada ku xiray dhagxaan.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay inay ka Cabanayan lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay iyo xirnaasha Waddooyinka Caasimadda.

Sidoo kale Gaadiidleyda BL-ka ee maalintii labaad Banaanbaxa wada ayaa waxaa ay sheegeen in banaanbaxa ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay Cadaalad ka helayaan.