Dad Masuuliyiin Ay kujiraan oo laga soo badbaadiyay doon la degtay

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli ay  socdaan  dadaalo loogu gurmayo, islamarkaana  lagu soo badbaadinayo dad isugu jira mas’uuliyiin iyo Shacab oo doon ay saarnaayeen kula degtay fatahaada Wabiga Shabeelle inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Ceel-Jaalle ee gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta laga soo badbaadiyey doonta  ay  ka mid yihiin Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo duqa degmada Baladweyne Safiyo Sheekh Cali Jimcaale iyo dad kale.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in weli la’yahay masuuliyiin badan iyo dad shacab ah, halka dadka qaar la arkayo iyagoo  saaran Guryaha iyo Geedaha korkooda kuwaas oo dabaal halkaas ku tagay.

Dahabo Axmed Xasan oo ah La Taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ilaaladiisa ayaa kamid ah dadka ilaa hadda la la’yahay.