Masuuliyiin Ku Wajahan Beledweyne

Wafdi uu hoggaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Libaax ayaa waxaa ay ku sugan yihiin degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,halkaas oo uu fatahaad ka sameeyey Wabiga Jubba.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Agaasin ka socda Wasaaradda Gargaarka,waxaana kormeer indha-indheyn ah ay kusoo mareen Xaafadaha Baardheere iyo duleedka oo Beero badan uu gooyey fatahaada uu sameeyey Wabiga.

Xildhibaan Sheekh Shaacir  Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku arkeen Baardheere oo ah saameynta uu reebay fatahaada uu sameeyey Wabiga Jubba ay u gudbin doonaan Madaxda Dowladda Soomaaliya si wax looga qabto.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Libaax ayaa sheegay in madaxda sare ee dalka ay dhibka la qeyb sanayaan,isla markaana Madaxda sare ee dowladda ay tegi doonaan Baardheere.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in fatahaada Wabiga uu baabi’iyey Beero farabadan,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay gargaar deg deg ah soo gaarsin donto dadka ka barakacay fatahaada Wabiga Jubba ee mara Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ay u dirtay diyaarado gargaar sida, iyada oo gargaarkaas loogu talo galay dadka ka barakacay fatahaada Wabiga.