Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay soo bandhigeen laba dhalinyaro ah,kuwaas oo ay sheegeen in xilliyada habeenkii ay siyaabo kala duwan dadka u dhici jireem.
Dhalinyaradaan oo ku hibeysnaa Tooreeyo iyo waxyaabo loo ekeeysiiyey Qoryaha ay Ciidanka isticmalaan ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey Xaafadaha Magaalada Boosaaso.
Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa dhalinyarada oo tiro ahaan gaareysa labo waxaa ay horgeeyeen Maxkamada Gobolka Bari, iyada oo lagu riday xukuno kala duwan.
Gudoomiyaha Maxakamada Darajada Kobaad Ee Gobalka Bari Abuurkar Nuur Jaamac ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay xilli habeen ah ay dadka ka dhacayeen Mobeelada,isla markaana ay agabka wax ku dhacayeen uu u yaallay Guri ku yaalla Boosaaso.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu ku dhawaaqay Xukuno kala duwan oo lagu riday Dhalinyarada lagu eedeeyey inay dhac ka geysanayeen Xaafadaha Boosaaso,kuwaas oo kala ah.
1: Cabdiraxmaan Cali Maxamuud Awoowe oo ah Hoggaamiyaha Eedeysanayaasha lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah iyo 300 oo Dollar oo Ganaax ah.
2: Feysal Cabdi Naasir Cabdullaahi ayaa waxaa lagu xukmay Laba Sano oo Xariga ah iyo 300 oo Dollar oo Ganaax ah.