Golaha guurtida ee Somaliland ayaa maanta guddi u saaray dalab uga yimi dhanka madaxweynaha kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada.
Waa markii lixaad ee muddo kordhin loo samaynayo golahan.,waxaana Shaqada guddiga uu yahay inuu ka soo talo bixiyo mudada la kordhinayo inta laga dhigi doono.
Xoghayaha golaha guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada isaga oo raacayo warbixin ay usoo gudbiyeen guddiga doorashooyinka.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa khilaaf ka taagnaa Xubnaha Guddiga doorashada uu kusoo daray Madaxweynaha Soomaaliland, iyada oo mid kamid ah xisbiyada Soomaaliland uu la laabtay Xubnihi uu Guddiga ku lahaa.