Dowladaha Somaaliya iyo Marooko oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka Soomaaliya  ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Dalka Marooko.

Agaasimuha ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale  ee la socday uga warramay hannaanka dhismaha hay’adaha cadaaladda Dawladda Marooko iyo habraaca shaqo ee ay leeyihiin.

Wuxuuna tusaalayaal kasiiyay sida ay u wada shaqeeyaan bahda cadaaladda Dawladdiisa, isagoo si gaar ah uga warbixiyay dhinacyada Maxkamadaha , xeer-ilaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin qorista iyo meel-marinta sharciyada oo ku kooban in haddii loo baahdo talo la weydiiyo.