Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hogaamiyo General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa War kasoo saaray Xaalada siyaasadeed ee dowlad Goboleedka Galmudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa waxaa lagu Cambaareeyay faragelinta dowladda Itoobiya ay ku heyso Siyaasadda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Ciidanka ay kusoo duubuleyso deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale Xisbiga ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Itoobiya ee la geeyay Dhuusamareeb dowladda ay ku dooneyso inay u adeegsato Doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada Galmudug.
Ugu dambeyntii Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa Madaxda Dowldda Federaalka baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay Galmudug uga dhici laheyd Dooasho xor iyo xalaal ah, waxaana Xisbiga uu dowladda uga Faragelinta Doorashooyinka Maamulka Galmudug.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga.
