Soomaalida ku nool dalka Uganda gaar ahaa kuwa dagan magaalada Kampala ayaa ka cabanaya tuugo badan oo si gaar ah u gaarsata Soomaalida iyagoo u gaysta dhac iyo waxyeelo badan, sida jirdil ay la kulmaan marka ay tuugada wax ka qaadaanayaan.
Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay xiligaan soo bataan dhaca Soomaalida loo gaysto oo wadooyinka loo galo halka qaar kalena guryahooda loogu dhaco oo waxii guriga u yiila laga qaato.
Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaan Qarash ayaa ka sheekeeyay sababta sanad walba keenta in xiligan tuugada usoo bataan waxa uuna yiri” Wadankan aan ku nool nahay ee Uganda waa dad aqlabiyadiisa u badan yihiin Karishtan,marka la gaaro bisha Disembar ee u dambeysa sanadka 25-teeda ,waxa ay u dabaal dagaan Christmas day dalkuna fasax rasmi ah ayuu galaa, sidaa daraateed waxaa bata dhac iyo tuugada wadooyinka istaagta”. ayuu yiri Qarash