Somaliland oo dowlada somaaliya ku edeysay in ay burburisay wadahadaladii maamulka somaliland iyo dowlada somaaliya

Soomaaliland ayaa ka hadashay wada-hadallda Dowladda Soomaaliya ay wado in dib loola bilaabo Soomaaliland,kaas oo shirar horudhac u ah lagu qabtay Magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga u qaabilsan Somaliland wadahadalka dowladda Soomaaliya   Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in madaxwaynaha Soomaaliya uu bur buriyay heshiisyadii horay ay u wada galeen labada dhinac .

Waxa ay sheegtay in madaxwaynaha uu muddo sadex sano ah wada-hadalkii socday oo ay soo bilaabeen Madaxdii ka horeysay uusan dib u fiirin balse hadda uu doonayo in uu dib u soo bilaabo wada-hadalo cusub.

Waxaa ay shuruud uga dhigtay inay dib u bilaawdaan wada-hadallada Soomalailand iyo Dowladda Federaalka in dadka Wakiil ka noqonaya Dowladda Federaalka aysan noqon kuwo dambi horey uga galay Soomaaliland.

Wada-hadallada Soomaaliland iyo Dowladda Federalka ayaa waxaa ay hakad ku jiraan tan iyo sanadkii 2014, iyada oo dhowr mar ay fashilmeen kulamo la doonayey in lagu wada hadal-siiyo.