Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daweynayo dhaawacyada weerarkii lala eegtay Injineerrada Turkida ah iyo ciidamada amniga ee ku howlanaa dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye.
Maamulka Isbitaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay Xaaladda Dhaawacyada la keenay Isbitaalka iyo sida ay kala yihiin iyo sida ay u socoto daaweyntooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaalki doonto daaweynta dadkaasi ku waxyeeloobey qarixii Sabtidii la soo dhaafey lagu weeraraey Injineerada Turkiga xilli ay ku sugnaayeen Bar Koontorool oo ku taalla Afgooye.