Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug,sidoo kale garabka Ahlusunna ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu soo saarey qoraal looga digayo qabsoomida doorashada Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in arrimihii masiiriga ahaa ee Galmudug ay mugdi sii galayaan,isla markaana dad dano gaar ah leh ay qalalaaso ka wadaand deegaannada Galmudug.
Qoraalka Sheekh Shaakir oo loo direy Beesa Caalamka ayaa waxaa lagu ogeeysiiyey in hadii doorasho Maanta ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb dhibaatada ka dhalata ay mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.
