Duqa Muqdisho Oo dhakax dhig Sameeyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay wado 1.5 (Halkiilo mitir iyo bar) wadadaasi oo isku xirta saldhiga Bari ee degmada Cabdicasiis iyo wadada Mirinaayada sidoo kale wadadaani ayaa hormarta xerada geediidka boliiska iyo garoonka Stadium Eng Yariisoow.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir ayaa goob joog ka ahaa daahfurka mashruucani iyadoo Wadadan uu dhagax dhigay duqa magaalada Muqdisho ay ahey mid aad u burbur saneyd oo isticmaal keeda ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen gaadiidka iyo bulshada waxeyna kamid tahay wadooyinka ugu mashquulka ee Caasimadda maadaama ay isticmaalaan bulshada ku wajahan xeebta Liido iyo garoonka Stadium Eng Yariisoow.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Mahdi faarax Cabdulle ayaa sheegay in bulshada reer Cabdicasiis ay aad ugu faraxsan yihiin dhismaha wadadaani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faah faahiyay dhismaha wadadani lagu sameen doono iyo mashaariicda socota.