Shir madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika, dhanka kalena ah Caasimadda Ethiopia waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedka 33-aad ee Ururkaas oo sanadkaan looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha diiradda ay saarayaan Madaxda Afrika waxaa kamid ah: Ammaanka, Doorashada Madaxweyne sanadeedka, Shaqo abuurka dhalinyarada, kahor tagga Musuqa iyo xaaladda Cudurka Corono Virus oo difaac looga jiro Qaaradda.

Soomaaliya waxaa ku matalaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isla xalay ka qaybgalay Shirka 34-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Dalalka iyo Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD kaasoo diiradda lagu saarayo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Suudaan.

Shirka Midowga Afrika waxa uu soconayaa labo cishe, waxaana ka maqan sanadkaan Madax badan oo lala xiriirinayo xaaladda cabsi ee Xanuunka Corona Virus oo dad badan oo u dhashay Shiinaha ay u geeriyoodeen.

Waxaa jira kulamo gaar gaar ah oo ay wada qaadanayaan Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Madaxda ka qaybgaleysa shirka ee kuwada sugan Magaalada Addis Ababa si ay diiradda u saaraan danahooda gaarka ah.

Dhanka kale Madaxweynayaasha dalalka Xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika waxa ay dooranayaan hogaamiye sanadeedkooda oo xilka ka degi doona bilawga sanadka soo socda 2021-ka.

Madaxda ka qaybgaleysa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe António Guterres, waxaana ka baaqday Madax ku matali lahayd shirkaan Dalka Shiinaha sabab la xiriirta Cudurka Corona Virus ee ka dilaacay dalkaas.