Axmad Madoobe Oo Lakulmay Waxgaradka Dhoobley

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam oo weli ku sugan Magaalada Dhoobleey ayaa waxaa halkaasi uu ka wadaa kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas.

Axmed Madoobe ayaa shalay la kulmey qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee degmada Dhoobleey,isaga oo ugu baaqay inay midoobey,sidoo kalena uu balan qaadey in mashaariic kala duwan laga fulin doono Magaaladaas.

Isaga oo la hadlayay Odayaasha Dhaqanka degmada Dhoobleey ayuu sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono Garoonka Diyaaradaha Dhoobleey iyo Goobaha waxbarashada Magaaladaas,hayeeshee dadka looga baahan yahay inay midoobaan.