Gudoomiyihii hore ee Ahlusunna ee magaaladda Dhusomareeb oo la xiray

Ciidamada amaanka ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku xiray Axmed Walad Cabdalla oo Ahlusunna mar ugu magacaawnaa Gudoomiyaha Dhuusamareeb iyo Xubno la socdey , Raga la xiray ayaa waqtigaa ka soo baxey Xarunta Inji ee Madaxda Ahlusunna Fadhiisinka u ah .

Wararka lahelayo ayaa muujinaya in uu jiro amar kasoo baxey Madaxda Galmudug oo lagu xadidayo dhaq dhaqaaqa galitaanka ama kasoo bixida ee Dhismaha Inji oo ah Hooyga Madaxda Ahlusunna kuwaa oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee Dowladu Aqoonsantahay.