Israsaaseyn ka dhacday Dhusomareeb.

Xaaladda Dhusomareeb.

Is rasaaseyn xooggan ayaa laga maqlayaa Afaafka hore ee Xarunta Inji oo ah goobta ay daganyihiin Masuuliyiinta Ahlusunna.

Is rasaaseynta ayaa waxa ay ka dhex bilaabatay Ciidanka Ilaaladda hugaanka Ahlusunna ee Xero Inji dagan iyo Ciidamadda Dowladda ee ku sugan baraha Control ee ku dhaw Inji.

Dadka Shacabka ee dagan goobaha ka dhaw halka ay wax ka socdaan ayaa ku go’doonsan Xaafadahooda madaama ay si kadis ah Xabaddu u bilaabatay Xilliga oo ah Waqti Habeen ah.

Lama xaqiijin Cidda bilaawday Israaseynta labadda dhinac u dhaxeysa iyo sababta ay xabaddu ku bilaabatay.

Dadka ayaa ka walwalsan sida ay noqon karto Xaaladda madaama dushooda lagu dagaalamayo.

Wixii kusoo kordha warkan iyo wixii qasaaro ka dhashay waxaan kala socon kartaa Idaacadda Radio Galgaduud, Baraha Bulshadda Radio Galgaduud iyo websitekeena Radiogalgaduud.com