Madaxweynaha Galmudug oo war kasoo saaray is rasaaseynta ka dhacday Dhusomareeb.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga hadlay is rasaaseyn qasaare sababtay taas oo ka dhex bilaabatay Ciidanka Ahlusunna ee ku sugan Xero Inji iyo Ciidamadda Dowladda Somaliya ee ku sugan baraha Control ee ku dhow Xero inji.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku edeeyay Ahlusunna in ay weerartay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Somaliya sida uu ku sheegay Warsixafeedka uu soo saaray.

Ahlusunna ayaan wali ka hadlin dhankooda arintan, hase ahaatee waa inii soo gudbi donaa waqtiga ugu horeeysa oo ay ka hadlaan israsaaseynta ka dhacday Dhusomareeb.

Halkan hoose ka akhriso War-saxafadeedka Madaxweyne Qoorqoor